Ku soo Dhawaada Xisbiga ILAYS...
Xisbiga ILAYS, waa Xisbi Siyaasi ah oo doonaya inuu hogaanka dalka ku gaaro doorasho xor ah oo ku timaada rabitaanka dadka soomaaliyeed ama wakiilladooda, horseedna wuxuu u noqonayaa hoggaan saldhiggiisu yahay caddaalad, wada-tashi, isu-tanaasul iyo maamul wanaag.
Shuruudaha xubinimada
- In uu yahay/ tahay muwaadin Soomaali ah, maskax ahaana u fiyow
- In aysan da’diisu ka yarayn 18 sano
- Inuu aaminsan yahay Midnimada, Madaxbanaanidda iyo Wadajirka Soomaaliya
- In uu ku qanacsan yahay xeerarka iyo barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga
- In uu leeyahay shaqrci aqoonsi ah sida Baasaboor Ama ID
- In uusan horay ugalin Dambiyo ay maxkamadi horay uxukuntay
- Waa in uu ogolaadaa Qidmadda xisbiga, marka loo qaado afti guud
Waajibaadka xubinta
- In uu u hogaansamo xeerka iyo go’anka Xisbiga
- Inuu si huffan oo daacadnimo ah ufuliyo arimaha siyaasadda xisbiga Ilays
- Inuu ka qayb qaato hormarinta barnaamijka xisbiga, fulinta iyo adeegyada horumarinta arimaha bulshada
- Inuu ilaaliyo hantida iyo sumcada xisbiga
- Inuu xog ogaal guud u noqdo xaalada siyaasadeed ee Dalka
- Inuu ka hortago qalalaaso kasta oo abuuri karo xalad dagaal ama dhimasho
- Inuu soo bandhigo fikirkiisa Saliimka ah
- Inuu karaamada sumcadda iyo sirta xisbiga Ilays xafido
Xuquuqda xubinta
- In la dooran karo waxna uu dooran karo
- wuxuu soo jeedin karaa talooyin khuseeya hawlaha iyo waxqabdka xisbiga
- Inuu soo ban dhigi karo aragtidiisa soona jeedin karo talooyin ama dhaliilo la xiriira arimaha xisbiga
- Inuu si xor ah uga bixi karo xisbiga isaga oo soo gudbinaayo sababta uu uga baxay xisbiga muddo Bil kahor ah una gudbisaa Sectorka aad katisantahay
- Xubin waliba waa inay heshaa aqoonsi xubinimo
Waayida xubinimada
- Inuu iska casilo xubinimada xisbiga sida ku xusan qodobka 12aad
- Hadii geeri ku timaado iyadoo aanay dhaxaltooyo noqonayn xubinnimadu Q12aad sida uu qabo xeerka xisbiga
- Kaleexato/kaleexdo mabaadiida iyo ujeedooyinka xisbiga
- Kamid noqoto /kamidnoqdo xisbi ama urur siyaasadeed kale
- In uu gudiga anshaxa qaato go'aan looga saaraayo kamid ahaanshaha xubinimada Xisbiga
- Gasho/Galo Dambi lid ku ah sumcadda xisbiga ama shuruucda Dalka
Form Goes Here...