Nagu Saabsan

Xisbiga ILAYS, waa Xisbi Siyaasi ah oo doonaya inuu hogaanka dalka ku gaaro doorasho xor ah oo ku timaada rabitaanka dadka soomaaliyeed ama wakiilladooda, horseedna wuxuu u noqonayaa hoggaan saldhiggiisu yahay caddaalad, wada-tashi, isu-tanaasul iyo maamul wanaag.

Xisbiga asigoo cuskanayo mabaadii’da diinta Islaamka ee xaniifka ah, kana amba qaadaya dhaqanka ummadda Soomaaliyeed, kana faa’iideysanaya sooyaalka taariikhda siyaasadeed ee dalka, waxuu u hormarinayaa dhismaha bulsho ku naaloota iftiin iyo ififaalo qaran, ku dhaqanta mabaadii’da dowladnimo ee ku saleysan sharciga iyo nidaamka dimoqraadiga ah.

Ujeeddada Xisbiga

  • ka shaqaynta Maamul wanaagga, cadaaladda iyo nabadgalyada iyo sarreynta sharciga, iyo soo celinta kala danbaynta iyo midnimada soomaaliyeed.
  • Hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo ilaalinta bii’ada iyo deegaanka.
  • Daryeelka bulshada soomaaliyeed ee qaba baahiyada gaarka ah, sida naafada, haweenka, waayeelka iyo caruurta.
  • Abuuridda iyo horumarinta siyaasad ku dhisan dhaqan wanaag, wadatashi iyo is ixtiraam.
  • La dagaalanka musuqmaasuqa , ku takarfalka awoodda, qabyaaladda, eexda iyo nin jeclaysiga.
  • La dhiso hay’ado hirgeliya baahinta dhaqanka nabadda, wada tashiga, maamul wanaagga, u hoggaansanaanta sharciga, madaxbannaanida garsoorka, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo ku tagrifalka awoodaha dowladnimada.
  • Xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ummadda soomaliyeed dhexdeeda ah ,iyo kuwa xisbiyada soomaliyeed iyo dalalka dunida.
  • Ilaalinta xuquuqda muwaadainiinta Somaaliyeed.

Mabaadi'da Guud

  • Xisbiga mabaadi’diisu iyo xeerkiisa waxaa saldhig u ah shareecada islaamka iyo dastuurka iyo shuruucda dalka.
  • Wuxuu aaminsanyahay, ilaalinayaana midnimada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, si waafaqsan nidaamka federalka .
  • Wuxuu ilaalinayaa caddaaladda, sinnaanta & sarreynta sharciga.
  • Wuxuu dhiirigelinayaa in ay dalka ka hirgasho doorasho xor ah oo cadaalad ku dhisan.
  • Wuxuu kobcinayaa dhaqaalaha dalka dhiirigelinayaana lahaanshaha gaarka ah & suuqa xorta ah si’ay ummaddu u wada gaarto horumar iyo nolol tayo heer sare ah leh.
  • Wuxuu ilaalinayaa nabad kuwada noolaanshaha Ummadda Soomaaliyeed, deriskeeda & caalamka intiisa kaleba.
  • Xisbigu wuxuu ogolyahay xorriyada ra’yiga, wada tashiga iyo wada doodidda.
  • Xisbigu wuxuu ogolyahay xuquuq kasta oo dastuurlka siiyay haweenka dhinaca siyaasadda, bulshada iyo Maamulkaba.
  • Xisbugu wuxuu aaminsan yahay in lagu xaliyo khilaafaadka Ummadda dhexdeeda ah qaab nabad iyo wada xaajood ah.
  • Xisbigu wuxuu dhiiragalinayaa nidaamdka Federalka Somali iyo baahinta awooda, iyo nidaamka maamul wanaaga.
  • Xisbigu wuxuu la dagaalamayaa afkaarta xun iyo xag-jirnimada.
  • Xisbugu wuxuu ka soo horjeedaa siyaasadaha ku dhisan xooga, caburinta iyo qabyaaladda.
  • Xisbigu wuxuu xoojinayaa dowrka siyaasadeed iyo hogaamineed ee dhalinyarada dalka.
  • Xisbigu wuxuu mudnaanta gaarka ah siinayaa dadka qaba baahida gaarka ah, sida naafada, caruurta iyo dadka la hayb sooco.

Madaxda Xisbiga

Cabdulqadir Cosoble Cali
Hogaamiyaha Xisbiga
Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka
Maxamed Cumar Ceymoy
Gudoomiyaha Xisbiga
Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka
Maxamed Goodir
Xoghayaha Xisbiga