Musharax Madaxweyne Abdulkadir Osoble Ali "Guud ahaan ardayda Soomaaliyeed ee u fariistay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare waxa aan u rajeynayaa nasiib wacan iyo guul. Waxa aan ku baaqayaa in Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ay xeeriso duruufaha gaarka ah ee ka jira goballada qaar ee dalka sida kuwa amni iyo saameenta cudurka COVID-19 si looga baaqsado wixi ku dhacay ardayda Gobolka Banaadir oo kale sanadkii la soo dhaafay. Waxa aan rajaynayaa in guud ahaan ardayda Soomaaliyeed ee duruufahan adag wax ku waxbartay loo dhimriyo inta imtixaanka lagu guda jiro, si gaar ahna loogu dhimriyo ardayda duruufaha gaarka ah qaba. Waxa aan ardayda kula dardaarmayaa in ay isku kalsoonaadaan, is dejiyaan, una arkaan imtixaanka fursad ay kusoo bandhigayaan aqoontooda. Waxa aan u rajaynayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed mustaqbal wanaagsan" Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays , Musharax Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaalia 2021‐2025