Shir Wada-tashi ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka Soomaaliya
Hogaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan Shiekh Abdulkardir Osoble Ali Ahne Gudoomiyaha Gudiga Arimaha Dibadda BFS "waxaan soo dhoweynayaa war murtiyeedki xalay ka soo baxay shirka wada tashiga Maamul gobaleedyada ee ka dhacay magaalda Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad gobaleedka Galmudug. waa talaabo fiican oo muddan in la bogaadiyo , waxaana soo jeedineynaa in kulanka looga arinsanaayo tubta farsamo ee doorashada uu noqdo mid ay u dhan yihiin Saamileyda siyaasadeed ee wadanka oo dhan oo ka mid yihiin axsaabta siyaasada. waxaan mar kale rejeyeynaa in soomalida oo dhan ay garatay in Doorashada qaranka ay waqtigeda ku dhacdo oo aan lagu fekerin mudo koorsi. Tani waxay soo afjaraysaa mugdigii iyo jahwareerkii lagu gadaamay xilliga kala guurka siyaasadeed ee Dalka. "