Hogaamiyaha Xisbiga Ilays ahna Gudoomiyaha Gudiga Arimaha Dibada ee Golaha Shacabka Mudane C/qaadir Cosoble Cali ayaa Galabta Kulan la qaatay Safiirka Wadanka UK u fadhiya Somaliya Mudane Ben Fender. Hogaamiyaha iyo safiirka ayaa is dhaafsaday arimo fara badan oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidi kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta iyo kaalmada ay dowlada Ingriiska ay siiso Somaaliya. Qodabada Shirkaa looga hadlay waxaa ka mid ah: Cudurka loo yaqaano Covid19 iyo saameynta uu ku yeelan karo dalka soomaaliya xagga Caafimaadka bulshada oo aanan loo heynin qalab ama agab ka hortaga Cudurka ama loo adeegsado daaweyntiisa, sidoo kale, dhaqaale kufilan mushaaraadka shaqaalaha caafimaadka, waxaa intaa dheer, in saameynta cudurkan uu dhibaato dhaqaale oo baaxad weyn u ku keenayo dalka, sida ka dhacday dalal badan oo caalamka ah. Sidoo kale, Hogaamiyaha Xisbiga Ilays isagoo tixraacaya baaqii ay horay u soo saartay Madasha Xisbiyada qaran ee talooyinkii ku aadanaa saaxiibada soomaaliya in door mug leh ay ka qaataan.