Kulanka Danjiraha Midowga Yurub
Hogaamiyaha Xisbiga ILAYS oo ka qeybgalay Kulan ay yeesheen Xubno ka socday Madasha Xisbiyada Qaran uuna hogaaminayay Guddoomiyaha Madasha Sheikh Sharif Sheikh Ahmed iyo danjiraha Midawga Yurub ee Soomaalia Ambassador Nicolas Berlanga ayaa looga hadley arimo ay kamid yihiin. 1. Ilaalinta Dastuurka iyo dhowrista xuquuqda muwaadinka. 2. Qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah xilligii loo asteeyay, aysanna dhicin wax mudo kordhin ah. 3. Xaqiijinta kuraasta loo qoondeeyay haweenka 4. Iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka CoronaVirus.