Xisbiga ILAYS waa xisbi madani ah oo ujeeddadiisu tahay inuu dalka ku hoggaamiyo doorashooyin xalaal ah oo ku saleysan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo wakiilladooda. Xisbigu wuxuu hiigsanayaa hoggaamin ku dhisan caddaalad, wadatashi, is-aaminaad iyo maamul-wanaag.
Aragtida xisbigu waa Soomaaliya nabad ah, federaal ah, casri ah, oo leh madaxbannaanidii, midnimadii iyo karaamadii dalkeena. Waxaan sidoo kale xoogga saaraynaa abuurista caddaalad, sinnaan, is-ixtiraam iyo wada-noolaansho nabad ah oo aan la yeelanno adduunka intiisa kale.
Xisbigu wuxuu aaminsan yahay ka-qaybgal siyaasadeed oo miyir qaba oo firfircoon, iyo hoggaamin tusaale fiican u ah midnimada, waddaniyadda, nidaamka iyo isku-duubnida, si loo soo celiyo sharafta iyo karaamada Soomaaliya ay ku leedahay caalamka.